Ma rabtaa in aad quraan dhan akhriso bisha ramadaan? (dariiqaan raac)

Ma rabtaa in aad quraan dhan akhriso bisha ramadaan? (dariiqaan raac)

  • By :
  • Category : Uncategorized
  • Comment : 0
Ma rabtaa in aad quraan dhan akhriso bisha ramadaan? (dariiqaan raac)

quranstandMar qura Ramadaanka oo dhan si aad Aqrinta Qur’aanka u idleeyso, waxaa suurta gal kuu ah inaad sidan yeesho:

Salaadda Subax: 4 Safxadood ama Bog aqri

Salaadda Duhr: 4 Bog oo kale aqri

Salaadda Casar: Afar iyadana ku dhameey

 Maqribka: 4 Bog dhameey

Cishaha: iyadana 4 aqri oo Maalin kastana wada ah dhamaantood.

 

Si aad Laba Jeer Ramadaanta inta lag jiro aad Qur’aan aqrinta u dhameeysana waxaad samayn kartaa Maalin kasta sidan:

 Salaadda Subax: 8 Bog aqri

Salaadda Duhur: 8 kale aqri

Salaadda Casar: 8 Bog iyana aqri

Salaadda Maqrib: 8 aqri

Salaadda Cisha: iyadana 8 Bog dhameey

 

Hadiisa aad dooneeyso inaad Saddex jeer Bishan Barakeeysan dhexdeeda ku dhameeyso aqrinta Qur’aanka kariimka ah,waxaa kuu fudud inaad sidan yeesho:

 Salaadda Subax: 12 Bog oo Kitaabka Kariimka ah ee Qur’aanka aqri

Salaadda Duhur: 12 Bog aqri

Salaadda Casar: 12 aqri

Salaadda Maqrib: 12 kale aqri

Salaadda Cishahana 12 aqri

 

Markase aad jeceshaya inaad Todobaadkiiba hal mar dhameeyso Aqrinta Qur’aanka inta Ramadaan lagu guda jiro, waxaa inoo 

wada banaan anagoo dhamaan Muslimiinta ah inaan yeelno sidan:

Salaadda Subax: inaan Toban Bog aqrino

 Salaadda Duhur: 10 kale aan aqrino

Salaadda Casar: iyadana aan 10 aqrino

Maqribka: aan iyadana 7 Bog aqrino

Halka Cisha aan ka aqrinayno 20 Bog, oo ugu dambeyntiina Suxuurta marka la gaaro aan 30 Bog aqrinayno.Lama qiyaasi karo inta Ajar iyo Abaal-marin ee uu Ilaaheey siinayo Qofka sidaas Waqtigiisa Ramadaanka ugu qorsheeyo aqrinta Qur’aanka Alle. Ilaaheey ayaana waydiisanaynaa inuu dhamaanten na haleeshiiyo Howshaas wanaagga badan leh.

 

Xigasho:

 Bogagga Arrimaha Diiniga lagusoo bandhigo ee  Facebook

admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *